CiyaaroRio Ferdinand oo qirasho cajiib ah sameeyay kaddib guuldarradii cusleyd ee Man...

Rio Ferdinand oo qirasho cajiib ah sameeyay kaddib guuldarradii cusleyd ee Man United ka soo gaartay Manchester derby

Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa muujiyay sida uu uga naxay kadib guuldaradii taariikhiga ahayd ee ay kooxdiisa kala kulantay naadiga ay dariska yihiin ee Manchester City.

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku xasuuqday Man United, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-3, kulanka lugta hore horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Rio Ferdinand ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, kaddib ciyaarta: “Farqiga u dhexeeya Manchester United iyo Manchester City ayaa ka weyn sidii aan moodayay kahor inta aysan ciyaarta bilaaban,”

“Aaad baan u niyadjabnay waxaan muujinnay xoogaa dagaal ah qeybtii labaad ama City waxay bilaabeen inay hoos u dhigaan xawaaraha ciyaarta, Dhanka kale, Haaland wuxuu ula dhaqmaa daafacyada dhexe ee Premier League ixtiraam darro.”

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Manchester City ayaa kala horeynta horyaalka Premier League uga jirto kaalinta labaad, waxana ay leedahay 20-dhibcood, halka Man United ay horyaalka uga jirto kaalinta lixaad, iyadoo leh 12-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme