CiyaaroReal Madrid Oo War Xun uga Soo yeeray Eden Hazard Kadib Kulankii...

Real Madrid Oo War Xun uga Soo yeeray Eden Hazard Kadib Kulankii uu Xulkiisa Belguim u ciyaaray.

Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka iyada oo dhaawac ku wayday xiddiga Eden Hazard kaas oo ku dhaawacmay kulankii uu xulkiisa Belguim u ciyaaray kulankii Netherlands ee Nations League.

Belguim ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay xulka Netherlands kulan ka tirsanaa Nations League waxaa uu Hazard ku bilowday shaxda xulka qarankiisa.

Laakiin Hazard ayuu dhaawac culus soo gaadhay daqiiqadii 62-aad taas oo keentay in uu ka Boxo garoonka kadib markii uu sii wadan kari waayo ciyaarta.

Ilaa haatan ma cada nooca dhaawaca soo gaadhay xiddiga Hazard laakiin waxa uu u muuqday dhaawac jilibka ah waana mid uu sanadihii ugu dambeeyay ku dhibaatooday.

Real madrid ayaa kadib fasax xulalka ciyaari doonta kulamo xiiso leh oo tartamada oo dhan ah waxana ugu horeeya kulanka Osasuna ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme