Real Madrid Oo Heshiis Waalli Ah Usoo Bandhigtay Daafac Bir Ah.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay suuqa kala iibsiga ee Janaayo u dhaqaaqdo xiddiga heerka caalami ee reer Spain Aymeric Laporte, sida laga soo xigtay Diario AS.

Kooxda Los Blancos ayaa la filayaa inay ka faa’iideysato suuqa xilli ciyaareedka dhexe sababo la xiriira xaaladda dhibaato ee difaacooda xilli ciyaareedkan.

Dhaawac jilibka ah oo cusub oo soo gaaray Eder Militao ayaa u diidi doona inuu ciyaaro inta ka dhiman xilli ciyaareedka, halka xilli ciyaareedka Dani Carvajal uu horeyba u dhamaaday.

Taasi waxay Real Madrid ka dhigtay inay weyso daafacyo lagu tiirsanaan karo, waxaana hadda qorshuhu yahay inay suuqa u galaan sidii ay u xoojin lahaayeen dhanka daafaca.

Laporte ayaa goor sii horreysay diiday wararka sheegaya in Real Madrid ay xiriir la sameysay xagaagii maadaama uu joogay kooxda Al Nassr.Si kastaba ha ahaatee, isku day cusub ayaa hadda la sameyn karaa iyadoo Laporte uu sheegay inuu u furan yahay ku soo laabashada kubadda cagta Yurub haddii dalab uu helo.Real Madrid ayaa ku dadaali doonta inay ku qanciso 30-jirka inuu kansalo qandaraaskiisa, oo uu si bilaash ah ugu soo biiro Los blancos, haddii Al Nassr ay u ogolaato inuu ka tago Riyadh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *