CiyaaroReal Madrid Ayaa war farxad leh ka heshay xaalada dhaawaca Ee Benzema

Real Madrid Ayaa war farxad leh ka heshay xaalada dhaawaca Ee Benzema

Real Madrid ayaa heshay war wanaagsan oo ku saabsan xiddigeeda reer France ee Karim Benzema, kahor inta uusan dhammaan kulammada caalamiga ah, xilli Los Blancos ay isku diyaareneyso kulanka ay Osasuna kula ciyaari doonto horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Maanta oo isniin ah barnaamijka El Chiringuito ee ka baxa TV-ga Spain ayaa sheegay in Benzema uu ka gudbay dhaawacii soo gaaray isla markaana uu dhawaan ka soo kabsan doono diyaarna u noqon doono liiska uu ku dhawaaqi doono Carlo Ancelotti kulanka soo socda ee Osasuna.

Tani waxay timid kaddib markii ciyaaryahanka uu dhameystay barnaamijkiisa daawaynta kaddib markii uu dhaawac kaga maqnaa Real Madrid mudadii la soo dhafay, waxaana la filayaa inuu ku soo laabto kulanka Osasuna, kaddibna kulanka El Clasico ay kula ciyaari doonaan Barcelona bisha October.

Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku marti galin doonta kooxda Osasuna Axada soo socota kulan ka tirsan horyaalka La Liga kaas oo ay Los Blancos hogaanka u hayo ilaa haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme