CiyaaroRASMI: ugu danbeen Man United oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Antony…...

RASMI: ugu danbeen Man United oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Antony… + SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhowaaqday inay adduun dhan 85.5 milyan oo gini kula soo wareegtay Antony.

Maanta ayay kooxda Manchester United si rasmi ah u soo bandhigtay Antony, kaasoo ah saxiixooda labaad ee ugu qaalisan taariikhda naadiga, kaddib markii ay 85.5 milyan oo gini uga soo qaateen Ajax.

Weeraryahankan reer Brazil ayaa maanta si rasmi ah loo bandhigay iyadoo uu garab taagnaa Macallin Erik Ten Hag, waxaana uu qalinka ugu duugay kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford qandaraas ku eg illaa sanadka 2027-ka oo uu ku jiro qiyaar ah in sanad kale oo dheeri ah lagu kordhin karo haddii loo baahdo.

Wadar ahaan, waxa uu ka tagay Kooxda Ajax isagoo dhaliyay 24 gool, isla markaana u sameeyey 22 caawin 82 kulan oo uu u saftay, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii ka caawiyey inay ku guleystaan labadii horyaal ee ugu dambeeyay horyaalka Holland iyo sidoo kale Dutch Cup 2021.

Kulanka caawa ee Leicester City ma ciyaari doono Antony, balse waxa uu diyaar yahay kulanka xiga ee kooxda Manchester United ay la leedahay Arsenal.

Man United ayaa weli shaacin lambarka uu u xiran doono Antony, balse waxaa la filayaa inuu midkood xiran doono 15 ama 21 sida wargeysyada qaarkood ay tilmaamayaan.

Antony has been officially unveiled as a Manchester United player

The Red Devils agreed an £85.5million fee to sign the winger earlier in the week
The Brazilian ace worked under boss Erik ten Hag at Ajax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme