Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa ka hadlay magacaabista Ruben Amorim ee kooxda Manchester United, isagoo sheegay inuu ‘og yahay sida’ kooxda macallinka reer Portugal u ciyaarto.Red Devils ayaa xaqiijisay 39-jirkan inay u magacowday tababaraheeda cusub maalintii Jimcaha, kaddib ceyrintii Erik ten Hag iyadoo kooxda ay ku jirto kaalinta 14-aad ee Premier League.
Amorim ayaa ka imanaya Sporting Lisbon isagoo saxiixay heshiis labo sano iyo bar ah, taas oo United ay ku kordhin karto 12 bilood oo dheeraad ah.Inkastoo uusan maanta wajihi doonin macallinka reer Portugal, tababaraha Blues ayaa soo bandhigay fikirkiisa ku aaddan imaanshaha tababaraha cusub horyaalka Premier League.
ADVERTISEMENTWuxuu yiri: “Rúben Amorim wuxuu shaqo weyn ka qaban doonaa Man United. Waxaan daawaday ciyaaro badan oo Sporting ah, waxaan garanayayaa sida ay u ciyaaraan.“Qaab ciyaareedkooda waa cajiib, sida ay u difaacdaan iyo qaabka ay u weeraraan, markaa shaki kuma jiro inuu shaqo fiican qaban doono.
”Hadallada dhiirrigelinta leh ee Maresca ayaa yimid saacado yar ka hor inta uusan kooxdiisa u kaxaynin Manchester, halkaas oo ay kula ciyarayaan United kulan ka tirsan horyaalka premier league.Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta lixaad ee horyaalka, iyagoo leh 17 dhibcood sagaal kulan kaddib, laakiin waxay u kici karaan ilaa kaalinta saddexaad haddii ay guul ka gaaraan Old Trafford maanta.
Kaaliyihii hore ee Ten Hag, Ruud van Nistelrooy, ayaa sii ahaanaya tababaraha ku-meel-gaarka ah ilaa inta Amorim shaqada la wareegayo. Van nistelrooy ayaa bilow wanaagsan ku yeeshay xilkiisa cusub Arbacadii kaddib markii ay guul 5-2 ka gaareen Leicester.