CiyaaroPSG oo qorsheeneysa inay hor istaagto riyada Barcelona ee ah inay dib...

PSG oo qorsheeneysa inay hor istaagto riyada Barcelona ee ah inay dib u ceshato Messi

Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay gooyso wadada ay Barcelona u mari lahayd dib u soo celinta xiddiga Argentina ee Lionel Messi.

Sidoo kale taageerayaasha Barcelona waxay doonayaan in halyeeygoodii uu dib ugu soo laabto kooxda, kaddib marka uu dhaco qandaraaskiisa Parisians xagaaga soo socda.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Sport ee ka soo baxa gobolka Catalonia, Paris Saint-Germain ayaa qorsheynaysa inay dalab cusub u gudbiso Messi si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda, isla markaana ay u hor istaagaan isku dayga Barcelona.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalabka cusub uu noqon doono hal xilli ciyaareed, iyadoo ay suuragal tahay in xilli ciyaareed kale ee labaad lagu kordhiyo, qiimaha heshiiskan cusub ayaa sanadkii ku bixi doona 30 million euros, Warbixinta ayaa lagu sheegay in qandaraaska cusub uu la mid noqon doono qandaraaska hadda u dhaxeeya labada dhinac.

Wararka ayaa waxay muujinayaan in Messi uu doonayo inuu joojiyo xiriirka kala dhexeeya kooxda ka dhisan Paris, oo uu mar kale ku laabto garoonka Camp Nou, laakin waxa uu soo laabashadiisa ku xiray bixitaanka Gerard Pique, oo muddooyinkii la soo dhaafay uusan xiriir wanaagsan la lahayn.

Yeelkeeda, qandaraaska uu xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi uu haatan kula jiro kooxda Paris Saint-Germain wuxuu dhacayaa June 2023.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme