CiyaaroPochettino ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiseyneyso kooxda Nice.

Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiseyneyso kooxda Nice.

Tababarihii hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa lala xidhiidhinayaa shaqo lama filaan ah oo horyaalka France ah waana mida kooxda OGC Nice.

Pochettino ayaa in mudo ahba Paris ku dareensanaa sida nin kaliya sugaya in shaqada kooxda laga caydhiyo oo aysan waxba u hadhin balse shaqadaasi waayay laba bilood iyo badh kahor.

Kaddib markii uu awoodi waayay inuu xakameeyo qolka labiska kooxda, PSG ayaa dirtay Poch oo sidoo kale Champions League uga hadhay sababta Real Madrid.

Tababaraha kooxda Nice ee Lucien Favre ayuu culays badani saaran yahay kaddib qaab ciyaareedyo xidhiidh ah oo liita iyaga oo afar guuldarro kaddib sideed kulan lasoo kulmay walow ay ahaayeen mid kamida kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqii xagaaga horyaalkaas.

Sida uu sheegayo wargeyska Diardio AS, Nice iyo Mauricio ayaa dhawaan kulmi doona si ay booskaasi uga wada hadlaan haddii laga fasaxo tababare Favre.

Tababarihii hore ee Espanyol ayaa sanadahan ugu dambeeyay lala xidhiidhin jiray Man United, Barcelona, Real Madrid, PSG iyo Chelsea balse wuxuu u muuqdaa mid wakhtigiisii Paris sumcad badan ku waayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme