Pep Guardiola ayaa ku dhow lixda bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa Manchester City, waxaana taariikhdu muujineysaa inuu heshiis saxiixi karo bisha November.Pep Guardiola wuxuu sheegay inuusan toddobaadkan booqan doonin Abu Dhabi, isla markaana aanu dareemin in lagu degdegin saxiixa qandaraas cusub oo uu kula sii joogo Manchester City.Hase yeeshee, sanadkii 2022 wuxuu adeegsaday fasaxii Koobka Adduunka ee November si uu ugu safro Sheikh Mansour una saxiixo heshiis cusub, sidoo kale waxey aheyd bishii November 2020 fasaxii xilliga caalamiga ah markii ugu markii ugu horreysay uu kordhiyey qandaraaskiisa.
Guardiola ayaa hadal aan caddeyn jeediyay xilligii dabaal-degga horyaalka xagaagii lasoo dhaafay, isagoo yiri, “Waxaan u dhowahay inaan baxo intii aan sii joogi lahaa,” isagoo tixraacaya sideed sano oo uu xilligaas joogay. Markii la safray, wuxuu caddeeyey in uusan ula jeedin inuu xilka ka tagayo dhammaadka xilli ciyaareedka, isagoo yiri wuxuu jeclaan lahaa inuu sii joogo. “Haddii aad jeceshahay waxaad samaynayso, maxaa kuu diidaya inaad joogto?” ayuu yiri
Si kastaba, wuxuu sharxay hadalkiisii ahaa “waxaan u dhowahay inaan baxo” isagoo xusuusinaya taageerayaasha inaanu sii ahaan doonin tababaraha kooxda muddo kale oo sideed sano ah. “Sagaal sano maanta isla kooxdan waa wakhti dheer, waxaan rabaa inaan hubiyo inay tahay go’aan sax ah. Ma aha kaliya aniga, waa kooxda, waa ciyaartoyda.”Dareenka guud ka hor xagaaga ayaa ahaa in Guardiola uu is casili doono bisha June. Si kastaba, xaaladdu waxay u muuqataa inay wax yar is beddeshay, iyada oo suurtogalnimada kordhinta qandaraaska ay furan tahay, laakiin cidina si dhab ah uma oga waxa uu qorsheynayo.Markii ugu dambeysay, wuxuu yiri: “Waxaan sheegay dhowr jeer, kama hadli doono. Marka ay ahaato, waan bixi doonaa. Waxaan u xiriirnaa mas’uuliyiinta kooxda si joogto ah. Wax kasta waxay u dhacaan si kooxda faa’iido ugu jirto.”
Toddobaadkii hore wuxuu sidoo kale sheegay inuusan dareemayn in lagu cadaadinayo inuu go’aan gaaro, taasoo muujineysa inuu sugi karo inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa November kadib. Wuxuu yiri: “Uma baahni inaan dib u dhigo tallaabo haddii aan dareemo inay kooxda dhib ku tahay. Waan go’aansan doonaa sida ugu dhaqsaha badan, laakiin ma dareemayo inaan waqtigaas la joogo”