CiyaaroPep Guardiola ayaa Amaanay afar ciyaartoy oo Man United ah inkasta...

Pep Guardiola ayaa Amaanay afar ciyaartoy oo Man United ah inkasta oo ay kooxdiisu toddobaadkii hore si xun u karbaashtay Red Devils

Pep Guardiola ayaa maanay afar ciyaartoy oo khadka dhexe uga ciayara Manchester United inkasta oo ay kooxdiisu toddobaadkii hore si xun u karbaashtay Red Devils oo ay 6-3 ku garaacday, waxaase uu haddana qiray inay haystaan ciyaartooyo tayo leh.

Manchester City ayaa Axaddii toddobaadkii hore waxay garoonkeeda Etihad Stadium ku bahdishay Manchester United oo ay afar gool ka dhalisay qaybtii hore, halka laba kalena ay ku dareen markii laga soo noqday waqtiga nasashada, iyadoo United xilli dambe u dagaallantay saddexda gool ee ay dhalisay.

Anthony Martial oo beddel ku yimid ayaa laba gool oo midkood rikoodhe ahaa u dhaliyey United, halka uu saxeexa cusub ee Antony isaguna saxeexay gool uu meel fog ka toogtay.

Guardiola ayaa sheegay in uu qorshe ciyaareed oo habboon ku dheelay kulankaas, isla markaana uu ogaa khatarta iyo tayada ciyaartoyda ay haystaan, gaar ahaan khadka dhexe.

Tababaraha reer Spain oo ay saxaafaddu weydiisay sida uu u arko Manchester United oo ay kooxdiisu si xun u garaacday ayaa yidhi: “Marka aad tahay koox wanaagsan, waxa aad helaysaa kooxo badan oo kula xafiiltamaya. Marka aad meel dhaxaadka tihiin, xafiiltankiinu wuu yar yahay. Loollanka weyn ayaa kaa dhigaya koox wanaagsan.

“Si fiican ayaanu u ciyaarnay Axaddii, waxa aanu muujinay tayada afka hore. Iyagu awood jidheed iyo tayoba waxay ku leeyihiin khadka dhexe, sida Eriksen, Bruno Fernandez, iyo kuwa xoogga weyn ee Casemiro iyo McTominay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme