CiyaaroPatrice Evra: Man City Way Ku Guulaysan Doontaa Champions League, Halkan Xiddig...

Patrice Evra: Man City Way Ku Guulaysan Doontaa Champions League, Halkan Xiddig Ayaana Ka Caawinaya.

Halyeyga Manchester United Patrice Evra ayaa ka hadlay saamaynta togan ee weerar yahanka reer Norway ee Erling Haaland uu ku leeyahay Manchester City iyo dadaalka ay ugu jirto ku guulaysiga champions League.

Taageerayaasha City ayaa aad ugu tiirsan in uu Haaland ka caawiyo kooxda ku guulaysiga koobka ayna Man CIty wali ku guulaysan.

“Haaland waa bahal, waxa uu ka faa’iidaystaa awoodiisa jireed, waxana uu leeyahay awood gool dhalin, waxana uu sameeyaa dhaqdhaqaaq sax ah”ayuu Evra yidhi.

“Haaland wuu dheer yahay wuuna xoog badan yahay, wuxuuna ku soo celiyay wadadii saxda ahayd, sababtaas darteedna waana No.9 dhamaystiran”.

“Wuxuu intaas ku daray: “City waxay ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo aan haysan weeraryahan laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen tartaka champions League”.

“Haatan maadama ay haystaan No.9 waxa aan dareensanahay in ay ku guulaysan doonaan champions League”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme