CiyaaroOwen Hargreaves iyo Rio Ferdinand oo amaan ugu qubeeyay mid kamida xiddigaha...

Owen Hargreaves iyo Rio Ferdinand oo amaan ugu qubeeyay mid kamida xiddigaha Chelsea

Xiddigihii hore ee kooxda Manchester United ee Owen Hargreaves iyo Rio Ferdinand ayaa amaan ugu qubeeyay mid kamida xiddigaha Chelsea kaddib kulankii ay barbardhaca 1-1 ah la galeen RB Salzburg habeen hore.

Xiddiga ay amaanta ugu qubeeyeen Owen iyo Rio ayaa ah daafaca midig ee Chelsea ee Reece James oo dhammaystay kulankii koowaad ee uu kooxda layliyo tababare Graham Potter oo Thomas Tuchel shaqada ka bedelay.

James ayaa ku guuleystay lix kamida kubado joog sarre ah oo uu ku tartamay, saddex taako oo guuleystay iyo laba gambis sameeyay sidoo kalena door weyn ku lahaa goolkii uu Raheem Sterling hoggaanka ugu dhiibay Blues habeen hore

Hargreaves iyo Ferdinand oo BT Sports falanqayn u joogay ayuu midkood ku sifeeyay ciyaaryahanka mashiin halka uu midka kale ku sameeyay ciyaaryahan kala duwanaansho sameeya.

Owen Hargreaves oo Reece ka hadlayay ayaa yidhi “Reece waa mashiin dacalka midig ka ciyaaraya, isagu waa mid dhammaystiran”.

Dhinaciisa Ferdinand oo ka aragti dhiibanaya James ayaa isaguna yidhi “Aniga ahaan waa kan kala duwanaansho sameeyuhu, daafaca ayuu u bedeli karaa weerar, kaligii ayaa xakameeya dacalkaas midig”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme