CiyaaroOgoow Sababta Uu u Seegi doona Karim Benzema Kulanka Getafe

Ogoow Sababta Uu u Seegi doona Karim Benzema Kulanka Getafe

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa la filayaa inuu seego kulanka sabtida ee horyaalka La Liga ee ay la leeyihiin Getafe .

34 jirkaan ayaa maqnaa inta badan bishii September ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Celtic tartanka Champions League.

Ka dib muddo gaaban oo uu garoomada ka maqnaa, Benzema ayaa dhawaan ku soo laabtay garoomada isagoo ciyaaray gabi ahaanba kulamadii Osasuna iyo Shakhtar Donetsk.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa in la nasiyo kulanka sabtida ee ay gurigooda ku wajahayaan deriskooda Madrid ee Getafe ka dib markii uu seegay tababarkii jimcihii.

Shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka, Carlo Ancelotti ayaa yiri: “Lama saarin, laakiin waxaa laga yaabaa in la nasiyo, waxaan qiimeyn doonaa subaxnimada Sabtida”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme