CiyaaroMuxuu ka yiri Klopp barbarihii ay la galeen Kooxda Brighton?

Muxuu ka yiri Klopp barbarihii ay la galeen Kooxda Brighton?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulankii ay kooxdiisa barbaraha 3-3 la gashay Brighton fiidnimadii sabtida, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kooxaha Liverpool iyo Brighton & Hove Albion ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Klopp ayaa shir jaraa’id oo uu ka soo muuqday kulanka kaddib, wuxuu ka hadlay barbarihii ay la galeen Brighton, wuxuuna yiri:

“Waxa dhacay maanta waxa ay xaqiijinayaan in kalsoonida kooxda lafteedu aanay hadda sare u sii socon.”

“Waxaan awood u yeelanay inaan dib u soo celino kalsoonida kaddib markii aan la kulanay dib u dhacyo, dib u dhacii maantana waxay hoos u dhigtay kalsoonida iyo niyadda.”

“Waxaan la yaabnay qaabka ay u ciyaartay Brighton, iyo habaynta ciyaartoyda ee garoonka dhexdiisa, ma aanan ogeyn waxa ay kooxda naga soo horjeeda ku hoos sameyn doonto tababaraha cusub maanta.”

“Dabcan, maanta waxaan dareemeynaa inaan guul dareysan oo aan bar-bardhac galnay, xaqiiqaduna waxay tahay in ciyaartoydeyda ay awood u leeyihiin inay u ciyaaraan si ka fiican sidii ay muujiyeen, shaqadeena kooxdana waa inaan ka dhigo ciyaaryahan kasta inuu bixiyo waxa ugu fiican.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme