Waa cusub oo geesinimo leh ayaa u bilowday Manchester United, iyadoo Ruben Amorim uu si rasmi ah u bilaabay shaqada isagoo ah macalinka cusub ee kooxda.Wuxuu durbaba mowjado ka dhex abuuray kooxda, taasoo hadalheyn badan dhalisay saacadihii lasoo dhaafay.Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Amorim ku qabsaday bilowgiisa Old Trafford ayaa ah inuu la kulmay dhaleeceyn kulul oo uga imaanaysa halyeeyo waaweyn kuwaas oo intooda badan ahaa ciyaartoy United ah.Rio Ferdinand ayaa ka mid ah ragga eeda lasoo fariistay maanta, daaficii hore ee United ayaa ku eedeeyay Amorim inuu si xun ula dhaqmay Ruud van Nistelrooy.
Tababaraha reer Holland ayaa baxay ka dib afar kulan oo uu si ku meel gaar ah u maamulay kooxda, iyadoo ay sidoo kale fasaxday Man Utd Rene Hake, Jelle ten Rouwelaar iyo Pieter Morel oo ahaa shaqaalihii tababarka.Amorim ayaa keenay Man Utd shaqaalihiisii tababarka ee Sporting CP, wuxuu qaatay go’aan uu ku ceyriyay Van Nistelrooy iyo tababarayaashii kale ee kooxda taasii keentay inuu dhaliil weyn kula kulmo bilowgiisa kooxda.Ragaan halyeeyada Manchester United ah ee soo fariista TV-yada inta badan waxay maskaxda ka qabsadaan tababare kasta oo ku cusub kooxda, waxaana sidii kuwii hore oo kale hadda ay dhaliilayaan tababaraha cusub ee reer Portugal