CiyaaroMessi ayaa ka tegi doona PSG marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Messi ayaa ka tegi doona PSG marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ka tegi doona PSG marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, waxaanu gaadhay go’aan waqti hore ah oo uu lasii wadaagay naadiga uu sannad iyo dhawrka bilood joogay.

Lionel Messi oo sannadkii 2021 heshiis laba sannadood ah u saxeexay kooxda reer France markii ay Barcelona diiday inay qandaraaska u cusboonaysiiso, ayaa waxa uu go’aansaday in uu soo afjaro waayihiisa Parc des Princes marka uu xilli ciyaareedkani dhamaado.

Sida ay sheegtay warbaahinta Beteve iyo waliba saxafiga Miguel Blazquez, Lionel Messi ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay PSG oo ay doonaysay in ay kusii xajisato ugu yaraan laba sannadood oo kale, waxaana uu u caddeeyey in uu si xor ah kaga bixi doono.

Xilli ciyaareedkii koowaad oo uu kula guuleystay horyaalka Ligue 1 ayaa ku ahaa mid adag oo uu kaliya lix gool dhaliyey, waxaanay taasi keentay in uu ka maqnaado liiska 30ka  ciyaartoy ee ku tartamaya abaal-marinta Ballon d’Or ee sannadkan ee lagu dhawaaqayo bisha October ee foodda inagu soo haysa.

35 jirkan oo xilli ciyaareedkan si fiican kula bilowday PSG, haddana ku maqan kulamada caalamiga ah ee xulkiisa, ayaanu warku sheegin halka uu u dhaqaaqi doono marka uu ka tago PSG, hase yeeshee waxa si aad ah u doonaaysa kooxdiisii hore ee Barcelona oo la sheegay inay wax walba oo karaankeeda ah u samayn doonto sidii ay ugu soo celin lahayd Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme