CiyaaroMarkasta Messi Ayaan Odhan Lahaa Balse Sanadkan Benzema Ayaa U Qalma Ballon...

Markasta Messi Ayaan Odhan Lahaa Balse Sanadkan Benzema Ayaa U Qalma Ballon d’Or!!” – Xiddig Barcelona Ah Oo Xifaaltanka Meel Iska Dhigay

Markii ugu horreysay mudo dhawr sano kaddib ah, guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or ayaa u muuqata in la isku raacsan yahay shaqsiga ugu mudan sanadkan.

Guuleystaha loo arko inuu kaliya wakhti ka xigo abaalmarintaas ayaa ah hoggaamiyaha Real Madrid ee Karim Benzema oo uu imika shaqsiyaadka u saadaalinaya kusoo biiray daafaca bidix ee kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona ee Jordi Alba.

Dhinaca kale waxa markii ugu horreysay tan iyo 2005 kusoo bixi waayay xataa 30-ka tartame ee ugu horreeya weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi oo ay Alba mudo dheer Barcelona saaxiib dhaw kusoo ahaayeen.

Messi ayaa abaalmarinta rekoodh toddoba jeer ah kusoo guuleystay isagoo sidoo kale ah guuleystihii ugu dambeeyay balse xilli ciyaareedkiisii koowaad ee PSG ayaa noqday mid uusan soo dhalaalin.

Jordi oo ay shabakadda AS weydiisay shaqsiga ugu mudan Ballon d’Or sanadkan ayaa doortay Benzema walow uu qirtay inuu markasta odhan lahaa Messi.

Ballon d’Or miyaa? Markasta waxaan odhan lahaa Messi balse sanadkan waxa u qalma Benzema” ayuu yidhi daafaca bidix ee ree Spain.

Karim ayaa xilli ciyaareedkii hore saddex koob oo kala ah Spanish Super Cup, La Liga iyo Champions League kusoo hoggaamiyay Los Blancos halka uu sidoo kale 44 gool 46 kulan kusoo dhaliyay taas oo ka dhigaysa guuleystaha aan la xifaalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme