CiyaaroMark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kooxda badin Doonta Kulanka Maanta

Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kooxda badin Doonta Kulanka Maanta

Mark Lawrenson ayaa guul raaxo leh u saadaaliyay kooxda Man City kulanka ay gurigeeda kula ciyaari doonaan kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ah kooxda kaliya ee aan laga badinin horyaalka England. Waxa ay si ku meel gaar ah hogaanka ugu hayn doonaan hadii ay guul ka gaadhaan Etihad Stadium maanta.

Manchester City ayaa dhalisay 29 gool sideedii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan. Waxa ay isha ku hayaan in ay sii wataan bilowgoodii quruxda badnaa ka dib guushii 6-3 ay ka gaareen Manchester United gurigooda kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka.

Kulankan ayaa fursad kale u noqon doona Erling Haaland si uu u sii wato gool dhalintiisa aan caadiga ahayn, isagoo durba dhaliyay 19 gool 12 kulan oo uu ilaa haatan ciyaaray tartamada oo dhan.

Kooxda Man City ayaa rikoodh fiican ku leh kooxda Southampton iyaga oo kaliya 3 kulan guuldaro kala kulan 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Southampton.

Daaficii hore ee Liverpool ayaa 4-0 u saadaaliyay kooxda heysata horyaalka waxana uu ydihi”Kaliya su’aashu waa imisa gool ayay Man City ku badin doontaa”.

“Inkasta oo ay Man City wayday Kyle Walker hadana Southampton ayaa dhibaatoonaysa sidaas darteed waxa aan saadaalinayaa in ay man City ku badinayso 4/0”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme