CiyaaroManchester United Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Leicester City,

Manchester United Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Leicester City,

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay Leicester City oo ay marti u ahayd, kulan la isku rafaaday oo hal gool oo madi ah oo uu qaybtii hore dhaliyey Jadon Sancho ay Red Devils ku heshay saddex dhibcood oo muhiim ahaa.

Kulankan oo uu Erik ten Hag kaydka dhigay Cristiano Ronaldo iyo Casemiro oo uu waqti dambe keenay ayay Manchester United ku heshay guushii saddexaad ee horyaalka Premier League ee ay ka keento horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan oo ay shan kulan dheeshay.

Gool uu daqiiqaddii 23aad dhaliyey Jadon Sancho oo goolhayaha usii gooyey kubadda ayaa noqday midka kaliya ee labada kooxood kala saaray, waxaanay Manchester United soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato sagaal dhibcood oo ay ka urursatay shan ciyaarood oo ay dheeshay, halka Leicester City ay fadhido kaalinta  ugu hoosaysa horyaalka oo ay hal dhibic kaliya haysato.

lcimg e37a0ddb 7c62 466d 9fe1 62ed7e47493fLeicester City ayaa si degdeg ah ku bilaabatay ciyaarta oo isku dayday inay daqiiqaddii ugu horreysayba kubbad degdeg ah ka gaadhsiiso Manchester United oo iyaduna taxadar ka samaynaysay orodka badan ee Jamie Vardy, waxaana kubaddaas iska soo difaacday United.

Khadka dhexe ayaa bilowgiiba si adag loogu dagaallamay, waxaana adayg muujisay Manchester United oo ku itaal-roonaatay, taasina waxay keentay inay u sahlanaato inay kubbado badan geeyaan duleedka goolka Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme