CiyaaroMan United Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Antony U Xidhan Doono Kooxda

Man United Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Antony U Xidhan Doono Kooxda

Kooxda Man United ayaa shaacisay in saxiixooda cusub ee Antony uu xidhan doono Lambarka No.21 kadib markii uu ku soo biiray kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Man United kadib markii uu lacag dhan 100 milyan ugu soo biiray kooxda.

Erik Ten Hag ayaa xagaagan oo dhan doonayay in uu keeno Xiddiga garabka ciyaara waxana uu xiddiga reer Brazil haatan isku diyaarinayaa in uu kulankiisii ugu horeeyo u ciyaaro Red Devils.

Xiddiga Antony ayaa isku diyaarinaya in uu ciyaaro kulanka ay Man United maanta la ciyaari doonto Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kadib bixitaankii Edinson Cavani, Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Antony kooxda u xidhan doono No.21 kaas oo ah lambar aan taariikh weyn ku lahayn Old Trafford.

Xiddigaha Diego Forlan, Daniel James, Ander Herrera & Rafael ayaa ka mid ahaa xiddigaha horay Man United ugu soo xidhay lambarkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme