CiyaaroMan City Oo Xasuuq Kubadeed U Geysatay United , Haaland-na Taariikhda Ayuu...

Man City Oo Xasuuq Kubadeed U Geysatay United , Haaland-na Taariikhda Ayuu Isku Qoray

Man City ayaa guul taariikhi ka gaartay United waxa ayna uga talaabsadeen 6/3 xilli Haaland isna uu mucjiso ahaa

Sheekada qeybta hore : dar dar ayay ku bilaabeen labada koox mana isu ogalaan in koox kubadda cagteeda ay ku daahdo ilaa City gool deg deg ah dhaliyeen ka dib qalad ka dhacay daafaca United waxaana daqiiqadii 8-aad si cajiib ah u toogtay Foden

City iyaga ayaa halis ku ahaa weerarka , waxaana United ka dhacayay qaladaad dhanka baasaska ah iyo in kubadda cagtooda ku hayaan waxaana dhanka isku dayada ku sareeyay kooxda Pep

United inkastoo isku dayayeen in kubadda gadaal ka soo dhisaaan hadana durba waa la kala jarayay halka aysan ka faa`ideysan daafaca Man City oo mararka qaar si ka bad badis ah horay u soo dhaqaaqayay .

United waxaa ku adkeyd in si sax ah kubadda u soo jiidaan afka hore iyaga ayaana u nuglaa marka halis gilinta ilaa mar kale laga dhaliyay gool labaad oo cajiib ah waxaana madaxa ku dhaliyay Haaland ka dib kubad koorno aheyd waxa ayna shabaqa gashay daqiiqadii 34-aad

Ka dib goolkaas , United waa la ciqaabay waa isku dhex yaaceen ilaa gool sedexaad deg deg ah laga dhaliyo waxaana labeystay Haaland ka dib kubad si cajiib ah uu u soo qaaday De Bryune taasi oo shabaqa gashay daqiiqadii 38-aad

Xaalka waa xumaaday ilaa gool 4-aad nasiinada laguy diro oo keentay in taageerayaasha United garoonka ka tagaan waxaana dhaliyay Foden daqiiqadiii 44-aad

Soo laabashadii , biloowgii waa fiicnaayeen kubadana waa ay la qeybsanayeen kubadda kooxda City illaa ay keenen gool cajiib ah oo uu Antony ka toogtay banaanka kaasi oo shabaqa galay daqiiqadii 56-aad

City biloowgii qeybtaas labaad isku dayo ayay sameynayeen waana laga filan karay illaa gool sedexaad oo si qurux badan looga shaqeeyay uu dhaliyay Haaland daqiiqadii 64-aad ,  waxa uu noqday laacibkii ugu horeeyay taariikhda PL oo sedexleey isku xigta ku dhaliya garoonkiisa

Cweeb kubadda ayaa socotay City goolkii 6-aad ayay dhaliyeen Foden ayaa lahaa waxaana saxiixay 73-aad ,halka United heleen gool labaad daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay Martial

Si Kastaba  United gool sedexaad ayay heleen waxaan rikoore ku saxiixay Martial daqiiqadii 89-aad , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 6/3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme