CiyaaroMacallin Mikel Arteta oo loo sheegay xiddig kale oo ka dhaawacmay Kooxdiisa...

Macallin Mikel Arteta oo loo sheegay xiddig kale oo ka dhaawacmay Kooxdiisa Arsenal

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu wargeliyey dhaawac ay ka naxeen Macallin Mikel Arteta iyo dhammaan taageerayaasha naadiga saacado gaaban gudahood.

Wxaa Gunners ay ka walwalsanayd xaaladda dhaawac ee Thomas Partey, balse markaan waxaa lagu wargeliyey in xiddig kale uu ku biiray qolka dhaawacyada.

Laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey oo dhowaan uun ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa ayaa haddana ku dhaawacmay kulankii Saaxiibtinnimo ee xulkiisa Ghana la ciyaaray Brazil oo ay guuldarrada kala kulmeen, laakiin haddana si dhab ah looma xaqiijin muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Waa wax la hubo in haddii Partey uu kulamo ka maqnaado Arsenal ay la dhibtoon doonto, haddana iyadoo ay arrintaasi jirto ayaa hadda waxaa Macallin Arteta lagu wargeliyey in xulka qaranka Japan laga saaray daafac  midig ee Gunners, Takehiro Tomiyasu oo uu dhaawac soo gaaray.

Bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Japan ayaa lagu sheegay in daafacan uu la dhibtoonayo dhaawacyo, sidaasna looga saaray xulka qaranka.

Tomiyasu oo horay loogu daray diiwaanka xulka qaranka Japan ee kulanka saaxiibtinnimo ee Ecuador Talaadada ayaa hadda waxa uu xiriirka dalkaasi shaaca ka qaaday in gabi ahaanba xulka laga reebay oo uusan taam ahayn, kaddib dhaawac ka soo gaaray kulankii Jimcihii ay 2-0 uga adkaadeen Maraykanka.

Inkastoo uu dhammaystay kulankii Maraykanka iyo Japan ayaa hadda bayaan kooban oo ka soo baxay xiriirka dalkiisa Japan waxaa lagu sheegay in Takehiro Tomiyasu uusan taam ahayn oo xulka laga saaray, isla markaana uu dib ugu laabanayo kooxdiisa Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme