Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ayaa u aqoonsaday Xabi Alonso inuu yahay bedelka saxda ah ee tababare Carlo Ancelotti.Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Perez ayaa aaminsan in Alonso uu haysto wax walba oo uu ku noqon karo tababaraha kooxda heysata horyaalka LaLiga.Madaxweynaha Los Blancos ayaa tilmaamay in Xabi Alonso uu leeyahay awood taatiko oo cajiib ah oo uu ku hormarin karo Real Madrid mustaqbalka.Los Blancos ayaa durba la kulantay saddex guuldarro, waa in ka badan dhamaan kuwii ay wajahday xilli ciyaareedkii hore oo ahaa kaliya 2 guuldarro.
Toni Kroos ayaa ka fariistay kooxda Ancelotti, iyada oo aan bedelkiisa la helin, inkastoo Kylian Mbappé kaga soo dhaqaaqay PSG beeca xorta ah.Mustaqbalka Ancelotti ee Real Madrid lama hubo, inkastoo tababaraha Talyaanigu guulo badan la gaaray Real Madrid.Qandaraaskiisu ma dhacayo ka hor xagaaga 2026, laakiin waxaa suurta gal ah in la joojiyo heshiiskiisa haddii Xabi Alonso uu aqbalo fariinta kaga timid madaxweynaha Real Madrid.