CiyaaroMaamulka Man United Ayaa Qirtay Waqtiga uga Lumay Xiddiga Frenkie de Jong...

Maamulka Man United Ayaa Qirtay Waqtiga uga Lumay Xiddiga Frenkie de Jong Xilligii Suuqa Kala Iibsiga,

Agaasimaha kubadda cagta Manchester United John Murtough ayaa sheegay in ay khalad ahayd in ay Man United muddo dheer ku raad joogtay saxiixa xiddiga Frenkie De Jong oo ay ahayd in ay kooxdu wakhti hore oo suuqa ah isaga hadho hadii ay heli wayday saxiixiisa.

Man United ayaa xagaagii oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga De Jong iyaga oo Barcelona xitaa kala heshiiyay saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa diiday in uu ku biiro Old Trafford.

Red Devils ayaa ugu dambayn dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga Casemiro kaas oo ay kala soo wareegtay Real Madrid kuna xoojisay khadka dhexe ee kooxdeeda.

Murtough ayaa la rumaysanyahay in uu u duulay Barcelona laba jeer si uu De Jong ugu qanciyo in uu yimaado Old Trafford iyada oo Erik Ten Hag uu ahaa bartilmaameedkiisa 1-aad.

Laakiin sida laga soo xigtay ESPN, Agaasimaha ciyaaraha Man United ayaa qirtay in ay ahayd in ay Man United isaga hadho baacsiga xiddiga bilowgii suuqa xagaaga.

Dhanka kale Xiddiga 25 jirka ah ee De Jong ayaa 4 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Barcelona waxana uu doonayay in uu sii joogo kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme