CiyaaroMa garanayo waxa dhibkiisu yahay, had iyo jeer wuu i dhaleeceeyaa" -...

Ma garanayo waxa dhibkiisu yahay, had iyo jeer wuu i dhaleeceeyaa” – Jack Grealish Oo Ka Cabanaya mid Ka mid ah khabiirada Ugu Caansan Premier League

Jack Grealish ayaa aaminsan in khabiirka Premier League Graeme Souness uu shaqsi ahaan neceb yahay ka dib markii halyeeyga Liverpool uu mar kale weeraray xiddiga Man City todobaadkan.

Souness oo ka hadlayay idaacada talkSPORT ayaa ku weeraray weeraryahanka Manchester City Talaadadii isagoo sheegay in xiddiga Ingariiska uusan wax horumar ah sameynin tan iyo markii uu rikoodh 100 milyan ginni ah ku tagay Etihad Stadium sannadkii 2021.

Bishii July, Graeme Souness ayaa sidoo kale sheegay in Grealish uusan aheyn mid si dhaqso ah wax u baran kara.

Xiddiga Ingariiska ugu qaalisan ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka xulka England ay la ciyaareyso Talyaaniga, laakiin waxa uu ka xanuunsaday weerarada uga imaanaya Graeme Souness iyagoo 27 jirkaan uu yiri:

“Ma garanayo waxaan ka sameeyay isaga. Mar walba wax ayuu iga sheegaa” ayuu yiri xiddigii hore ee Aston Villa.

“Waxaan isku dayaa inaan wax badan akhrinin eedeymihiisa. Waa ay adag tahay in la iska dhegotiro marka uu ka hadlayo Sky Sports sababtoo ah xarunta tababarka meel walba ayuu Sky Sports ka daaran yahay.

“Dabcan wuxuu soo ahaa ciyaaryahan weyn oo wax badan ku soo guuleystay laakiin ma garabnayo sababta uu mar walba wax iiga sheego ama sababta uu ii neceb yahay.

Awoodeyda waan garanayaa. Waan ogahay inuu hadda ka hor igu eedeeyay inaan kubada si degdeg ah u dhaqaajinin, laakiin marka aad u ciyaareyso tababare sida Pep Guardiola oo ii sheegaya inaan kubada ceshado oo aan yeesho xiniinyaha aan meel walba ugu dhaqaajin karo, taladiisa ayaan raacayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme