CiyaaroMa Ahan Ronaldo & Messi, Phil Foden Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa...

Ma Ahan Ronaldo & Messi, Phil Foden Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Abid Arko.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Phil Foden ayaa iska indho Tiray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi isaga oo xiddiga Kevin De Bruyne u magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee uu abid arko.

Foden ayaa noqday danjiraha caalamiga ah ee TCL wuxuuna furay mowduucyo kala duwan, oo uu ku jiro ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid arko.

Iyadoo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin xulashooyinka la isku raacsan yahay ee taageerayaasha iyo ciyaartoyda, Foden wuxuu magacaabay xiddiga ay isku kooxda yihiin.

Xiddiga reer England ayaa ka hadlay xirfada xiddigihii hore ee Man City ee David Silva laakiin waxa uu xiddiga De Bruyne u doortay xiddigii ugu fiicnaa ee uu abid arko.

“Wow, taasi aad ayay u adag tahay, markii aan daawanayay kubada cagta ee aan yaraa, waxa aan jeclaa David Silva, laakiin maadama aan maalin walba tababarka ku arko De Bruyne, waxa uu samayso waa wax aan caadi ahayn, waxa aan odhan karaa waa xiddigii ugu fiicnaa ee aan abid arko”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme