Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa xusay in ciyaaryahanka reer Brazil Gabriel Martinelli, uu u soo baxay ninka ugu halista badan Arsenal.Qaab ciyaareedkii xiddiga garabka ka ciyaara ee Arsenal ayaa keentay in kooxdiisa ay barbaro 1-1 ah la gasho Chelsea kulankii London Derby ee xalay.
Ciyaarta oo waqtigii nasashada ku soo idlaatay gool la’aan, waxaana kooxda Mikel Arteta hogaanka u dhiibay Martinelli daqiiqadii 60-aad ka hor inta uusan Pedro Neto u barbareynin Blues daqiiqadii 70-aad.23 jirka reer Brazil ayaa dhaliyay 3 gool isagoo 3 kale caawiyay 17 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.
Nevile ayaa u sheegay Sky Sports in Brazilian-kaan uu qatarta ugu weyn oo ay heystaan kooxda Mikel Arteta noqday.Daafacii hore ee Man Utd ayaa si aad ah ugu amaanay xiddiga garabka ka ciyaara bandhigiisii uu ka sameeyay kulankii Chelsea, isagoo ku tilmaamay kii ugu sameynta badan Gunners.“Waxa uu ahaa ninka halista ah abuuray iyo mid ka mid ah kuwii Arsenal ugu fiicnaa kulankaan” Gary Neville ayaa yiri ciyaarta kadib.