CiyaaroLionel Messi Oo Sheegay in Koobka Adduunka ee Qatar uu noqon doono...

Lionel Messi Oo Sheegay in Koobka Adduunka ee Qatar uu noqon doono midkii ugu dambeeyey ee uu ka qayb-galo

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ka nixiyey taageereyaasha  kubadda cagta ee ku raaxaysanayay ciyaartiisa, waxaana uu sheegay in Koobka Adduunka ee bisha dambe ka bilaabmaya waddanka Qatar uu noqon doono midkii ugu dambeeyey ee uu ka qayb-galo, taas oo loo fahmay in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha caalamiga ah.

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 35 jir ayaa xaqiijiyey, in Koobka Adduunka ee ugu dambeeya ee uu kasoo muuqdo uu noqon doono Qatar, intaa wixii ka dambeeyana uu fursad siin doono ciyaartoyda kale ee dalkiisa.

Koobka Adduunka ee sannadkan ayaa Messi u noqon doonta midkii shanaad ee uu ciyaaro isaga oo sannadkii 2006 qayb ka noqday xulkii Argentina ee waddanka Jarmalka kaga qayb-galay Koobka Adduunka, waxaana uu markan u dagaallami doonaa sidii uu ugu guuleysan lahaa Koobkan oo dalkiisu uu laba jeer oo kaliya oo ahayd 1978 iyo 1986 uu ku guuleystay.

Lionel Messi oo ka jawaabayay su’aal laaga weydiiyey go’aanka mustaqbalkiisa ee dhinaca ciyaaraha caalamiga ah ayaa yidhi: “Kan ayaa noqon doona Koobkii Adduunka ee iigu dambeeyey, waana hubaal. Go’aanka mar hore ayaan gaadhay.”

Halyeyga Barcelona ayaa ciyaaray 19 kulan oo Koobka Adduunka ah afartii jeer ee hore ee uu ka qayb-galay, waxaana uu dhaliyey lix gool iyo shan uu caawiye ka noqday.

Sannadkii 2014 oo uu dalkiisu yimid finalka oo ay iskugu soo baxeen Germany ayaa ciyaarta oo waqti dheeraad ah lagu daray waxa gool niyad-jabiyey ka dhaliyey Mario Gotze oo Germany ku hoggaamiyey koobka ugu qiimah abadan dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme