Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo ah ciyaartoyga ugu cadcad in uu sannadkan ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or ee Isniinta soo socota lagu bixin doono magaalada Paris, ayaa waxa uu runta ka sheegay ciyaartoygii u qalmayey abaal-marintan sannadkii hore ee la siiyey xiddiga reer France ee Karim Benzema.
Barnaamij dhukumentari ah oo uu baahiyey L’Equipe ayaa uu Lionel Messi ugu badheedhay in uu qiro ciyaartoyga u qalmayay ee mudnaa in la siiyo abaal-marintan sannadkii hore, waxaana uu si cad u gara istaagay Karim Benzema isaga oo meel iska dhigay xafiiltankii muddada dheer usoo dhaxeeyey kooxahoodii hore ee Real Madrid iyo Barcelona.
Karim Benzema ayaa nasiib u yeeshay abaal-marinta Ballon d’Or 2022 markii uu kooxdiisii hore ee Real Madrid u qaaday Champions League iyo LaLiga, isaga oo xilli-ciyaareedkaas dhaliyey 44 gool oo dhamaan tartamada ah. Inta badan goolashiisa ayaa waxa uu ka dhaliyey tartanka Champions League, isaga oo noqday ciyaartoygii shanaad ee Faransiis ah ee ku guuleysta Ballon d’Or, iyadoo ciyaartoyda dalkiisa oo ku guuleysata uu ugu dambeeyey Zinedine Zidane oo qaaday sannadkii 1998kii.
Inkasta oo mar kale oo Benzema ku jiro tartameyaasha oo dalkiisana ay sidoo kale ka socdaan Randal Kolo Muani iyo Kylian Mbappe, haddana ma aha difaacde cadcad sababtoo ah in uu dhaawac ku seegay Koobkii Adduunka iyo in Real Madrid oo uu xagaagii ka tegay aanu ku fiicnayn xilli-ciyaareedkii tegay.
Si kastaba, Lionel Messi ayaa la weydiiyey ciyaartoyga u qalmayay sannadkii hore abaal-marintan, waxaanu ku jawaabay: “Benzema ayaa run ahaantii u qalmayay sababtoo ah waxa uu soo qaatay xilli-ciyaareed aad u fiicnaa oo ahaa midkiisii ugu fiicnaa, kana sarreeyey ciyaartoyda kale.