CiyaaroLayaab: Cristiano Ronaldo Ayaa Sabab U Ahaa Shaqo Caydhintii Thomas Tuchel,

Layaab: Cristiano Ronaldo Ayaa Sabab U Ahaa Shaqo Caydhintii Thomas Tuchel,

Chelsea ayaa maanta si lama filaan ah shaqada uga caydhisay taabbare Thomas Tuchel kadib markii telefoon 10 daqiiqo socday lagu caydhiyay tababare Tuchel.

Shaqo ka caydhinta Tuchel ayaa imanaysa kadib guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Dinamo Zagreb kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in shaqo ka caydhinta Tuchel horay loo sii qorsheeyay isla markaas guuldaradu kaliya ahayd mid soo horumarisay shaqo ka caydhinta tababarka.

Sida laga soo xigtay Wargayska Metro, Cristiano Ronaldo ayaa door ka qaatay shaqo ka caydhinta tababare Thomas Tuchel.

Milkiilaha cusub ee chelsea Todd Boehly Ayaa suuqii xagaaga doonayay in uu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigo xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii saxiixiisa loo soo bandhigay.

Laakiin Tababare Thomas Tuchel ayaa Milkiilaha Boehly u sheegay in uuna doonayn saxiixa xiddiga reer Portugal taas oo khilaaf dhex dhigtay tababaraha iyo Milkiilaha Blues.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme