CiyaaroLambarka Uu Antony U Xidhan Doono Manchester United Oo La Shaaciyey

Lambarka Uu Antony U Xidhan Doono Manchester United Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aamisay lambarka uu xidhanayo xiddiga reer Brazil ee Antony ee ay kala soo wareegeen Ajax toddobaadkii tegay iyaga oo kusoo iibsaday lacag ka badan £85 milyan oo Gini oo ka dhigaysa saxeexii labaad ee ugu qaalisanaa ee Old Trafford soo mara.

Khamiistii ayay Manchester United warbaahinta usoo bandhigtay Antony oo tababarkiisii ugu horreeyeyna qaatay Jimcihii si uu iskugu diyaariyo kulanka Axadda ee Arsenal ee ka dhici doona Old Trafford, kaas oo illaa hadda aan la xaqiijin in uu kusoo bilaaban doono iyo inuu kaydka kaga jiri doono.

Taageereyaasha Manchester United ayaa si weyn ugu dheg taagayay in ay ogaadaan lambarka uu xidhanayo Antony oo sannadihii ugu dambeeyey Ajax u xidhnaa No.11, balse meel u yaalla ciyaartoyga xayiraddu saaran tahay ee Mason Greenwood oo xilli ciyaareedkii hore xabsiga loo taxaabay markii lagu eedeeyey in uu gabadh fara-xumeeyey, balse markii dambe la geliyey maxbuus gurigiisa aan dhaafi karin.

Manchester United ayaa ilaalisay tixgelinta ay u hayso Greenwood waxaanay u daayeen lambarkiisa illaa hadda mustaqbalkiisu u dhacayo, sidoo kalena waxa uu Antony waayey No.7 iyo No.39 oo iyagana hore ugu soo xidhay kooxihiisii hore.

Sida uu shaaciyey wariyaha ciyaaraha ee Alvaro de Grado, Antony ayaa xidhan doona No.21 oo Manchester United ay usoo xidheen ciyaartoyda ay ka mid ahaayeen Edinson Cavani, Daniel James iyo Andre Herrera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme