CiyaaroKyle Walker ayaa qaliin looga sameeyay gumaarka taas oo keeni Karta in...

Kyle Walker ayaa qaliin looga sameeyay gumaarka taas oo keeni Karta in daafaca England uu Seegi Karo koobka adduunka 2022

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in Kyle Walker uu maqnaan doono muddo iyada oo daafacu wajahayo tartan uu la galayo wakhtiga si uu diyaar ugu noqdo koobka adduunka.

32-sano jirkaan ayaa ka maqnaa kulankii Arbacada ee Champions League ee Copenhagen sababo la xiriira dhaawac dhanka caloosha ah oo uu ka soo gaaray kulankii Manchester Derby ee Manchester United Axadii.

Guardiola ayaa wax laga weydiiyay Walker ka dib guushii 5-0 ay ka gaareen Copenhagen, tababaraha ayaana xaqiijin waayay in uu xiddigu taam u noqon karo koobka adduunka.

Waa wax caloosha ah, wuuna maqnaan doonaa muddo,” Guardiola ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Ma garanayo (intee in le’eg) wax kale ma dhihi karo”ayuu sii raaciyay.

Kyle xoogaa wuu maqnaan doonaa, waa inaan la hadalnaa dhakhaatiirta, waxaan rajeyneynaa inuu dib usoo kabto ka hor koobka adduunka laakiin ma hubno haatan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme