CiyaaroKroos oo ku jees jeesay horyaalka England & Sidoo kale Wareeysi dhinacyo...

Kroos oo ku jees jeesay horyaalka England & Sidoo kale Wareeysi dhinacyo Badan taabanayo ayuu Ka hadlay,

Ciyaaryahanka reer Jarmal ayaa amaanay Florentino Perez, gudoomiyaha guddiga maamulka Real Madrid, sidoo kale wuxuu ka hadlay inuu ka tagi doona Real madrid iyo in kale

Kroos ayaa wareysi uu siiyay Podcast-ka Jarmalka ee OMR ku yiri: “U dhaqaaqista Real Madrid waxay ahayd go’aanka ugu fiican ee aan qaato iyo waxa ugu wanaagsan ee aan sameeyo waayaheyga,

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaad imaaneysaa kooxda ugu weyn adduunka, waana inaad si deg deg ah u shaqeysaa, laga bilaabo maalintaada ugu horeysa ee garoonka waa inaad u ciyaartaa sidii inaad halkaan joogtay 10 sano ka hor”.

dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday Florentino Perez, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Real Madrid, wuxuna yiri: “Waxaan la leeyahay xiriir wanaagsan oo dhow, qof naxariis badan oo ku fiican go’aannada adag, sidoo kale wuu ku faraxsan yahay inuu halkan joogo isagana,

sidoo kale Kroos ayaa fariin u diray taageerayaasha Real madrid, wuxuuna yiri: “Xiriir aad u wanaagsan ayaan la leeyahay jamaahiirta Real madrid, waxaana noqday mid aad u jecel iyaga, sidaas darteed anigu ka tagi maayo iyaga”;

Mar wax laga weydiiyay tartanka horyaalka Premier League

 Kroos uma maleynayo in Premier League uu aad u xoogan yahay marka loo eego tartamada kale, “Ma jiro koox ka mid ah kooxaha Ingariiska oo ku guuleystay horyaalnimada sanadkan,” ayuu yiri.

Wuxuu sii waday: “Baahinta telefishinka ayaa si muuqata ugu sareysay England sannado badan, laakiin sidoo kale tani ma aysan siinin taajajkii dhammaan horyaallada.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme