CiyaaroKooxda Barcelona Ayaa Xasuuqday Viktoria Plzen Xilli Uu Lewandowski Saddexley Dhaliyay.

Kooxda Barcelona Ayaa Xasuuqday Viktoria Plzen Xilli Uu Lewandowski Saddexley Dhaliyay.

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Viktoria Plzen kulan ka tirsanaa kulankooda ugu horeeya ee wareerga Group-yada tartanka champions League kulan ka dhacay Camp Nou.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Barcelona u awood sheegatay kooxda Viktoria Plzen xilli ay wax walba ka sameeyeen kulan dhinaca kaliya ahaa.

Daqiiqadii 13-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Frank Kessie kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Barcelona ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay goolal kale ku dhaliso xilli ay kooxda Viktoria Plzen raadinaysay goolal rogaal celis ah.

Daqiiqadii 34-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogamainayso ciyaarta.

Kooxda Viktoria Plzen Ayaa daqiiqadii 44-aad soo ceshatay Gool waxana u dhaliyay xiddiga Jan Sykora kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Barcelona wali ku hogaaminayso.

Laakiin xiddiga Robert Lewandowski ayaa Barcelona u dheereeyay hogaanka ciyaarta kadib markii uu gool dhaliyay daqiiqadii 45-aad ciyaartana ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican isla markaas hogaaminayso ciyaarta dhinac walba.

Qaybta dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan isla markaas hubiyaan natiijada ciyaarta.

Daqiiqadii 67-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski Kaas oo dhaliyay saddexleydiisii ugu horaysay ee Kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 71-aad dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme