Ciyaarokooxda Barcelona ayaa weli doonaysa inay Silva keento Camp Nou.

kooxda Barcelona ayaa weli doonaysa inay Silva keento Camp Nou.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay u ogolaan karto Bernardo Silva inuu baxo sanadka soo socda hadii ay helaan lacag rikoorka kooxda ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa udub dhexaad u ahaa xanta suuqa kala iibsiga xagaaga oo dhan ka dib markii uu soo jiitay Barcelona.

Iyadoo ka dhaqaaqista kooxda heysata horyaalka Premier League ay ku guuldareysatay inay hirgasho, kooxda reer Catalan ayaa weli dooneysa inay Silva keento Camp Nou.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Man City ayaa diyaar u ah inay iibiso Silva xagaaga soo aadan haddii ay hesho dalab 100 milyan euro ah (£ 89m).

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in Barcelona ay isku dayi karto inay lasoo saxiixato 28 jirkaan suuqa Janaayo hadii ay awoodaan inay iska iibiyaan ciyaartoyda si ay lacag ugu helaan.

Silva ayaa qandaraas kula jira Citizens ilaa June 2025, waxaana uu door muuqda ka ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay labo gool, waxaana loo diiwaan geliyay seddex caawin 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme