CiyaaroKa hor kulanka Axadda ee Manchester Derby ka bogo 14 Ciyaaryahan oo...

Ka hor kulanka Axadda ee Manchester Derby ka bogo 14 Ciyaaryahan oo u soo wada ciyaaray Kooxaha Manc United & Man City

Horyaalka England Premier League ayaa dib u soo laabanaya horraanta todobaadka soo aaddan, waxaana indhaha lagu hayn doonaa kulanka Manchester Derby.

Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa isku qaban doona todobaadka soo socda kulankoodii 188-aad ee Manchester Derby tartammada oo dhan.

Kooxda horyaalka xafidanaysa ayaa soo dhoweynaysa naadiga Man United oo dib  soo noolaatay isla markaana gaartay afar kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, waxaana kooxda martida ah ayaa isha ku haysaa inay ka aargoosato City kaddib guuldaradii 4-1 ahayd ee ay ka soo gaartay kulankii ugu dambeeyey oo ay booqasho ku tageen garoonka Etihad bishii Maarso.

Ka hor kulanka Manchester Derby ee Axadda, waxaan halkaan hoose ku soo gudbinaynaa 14 ciyaaryahan oo u wada ciyaaray labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City waxaana ay kala yihiin:-

Peter Barnes, Peter Beardsley, Andy Cole, Terry Cooke, Wyn Davies, John Gidman, Owen Hargreaves, Andrei Kanchelskis, Brian Kidd, Denis Law, Sammy McIlroy, Mark Robins, Peter Schmeichel iyo Carlos Tevez.

FG: Waxaa jira xiddigo soo maray labada kooxood balse aan ka soo muuqan heerka koowaad ee labada Manchester waxaana ay kala yihiin; Tony Coton, Shaun Goater, Jon Macken iyo Jadon Sancho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme