CiyaaroJurgen Klopp Oo Dhibaatada Liverpool Bar-Bar Dhigay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo,...

Jurgen Klopp Oo Dhibaatada Liverpool Bar-Bar Dhigay Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Qaab Noocee Ah.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bar-bar dhigay qaab ciyaareedka gaabis ah ee ay kooxdiisu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan dhibaatadii Ugu dambaysay ee Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Kooxda Liverpool ayaa si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo ilaa haatan 10 kulan ka heshay 7 kulan oo ay ciyaartay premier League.

Reds ayaa ku jirta kaalinta 9-aad ee kala saraynta premier League waxana ay bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Brighton kulankii ugu dambeeyay ee premier League.

Mar wax laga weydiiyay kalsooni darrada kooxdiisa hadda heysata, Tababaraha reer Germany ayaa sheegay in dhamaan xiddigaha iyo kooxuhu maraan wakhti adag kana mid yihiin Ronaldo iyo Messi oo dhexdooda ku guulaystay 12 Ballon d’Or.

“Ma u malaynaysaa in Cristiano Ronaldo uu wakhtigan joogo heerkii ugu sarreeyey ee kalsoonidiisa? taariikh ahaan waxa uu ahaa xiddiga ugu fiican adduunka haatanna arimuhu uma socdaan sida uu doonayo”ayuu Klopp yidhi.

“Dhammaanteen way nagu dhacdaa, Lionel Messi waxa uu xilli ciyaareedkii ahaa mid aad u dhibaatooday, waxyaabahan dhamaanteen way inagu dhacaan, waa in aad tilaabo u qaaddaa jihada saxda ah, marka aad diyaargarowdo way soo noqonaysaa. Waa inaan mar labaad u samrinaa ka dibna waan fiicnaan doonaa mar kale”ayuu sii raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme