Sunday, December 10, 2023
More
    HomeCiyaaraha MaantaJonny Evans Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Ay Man United Uga Babaadisay...

    Jonny Evans Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Ay Man United Uga Babaadisay In Uu Ciyaaraha Ka Fadhiisto.

    Jonny Evans ayaa shaaca ka qaaday inuu ku fikiray inuu ka fariisto kubada cagta xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan si lama filaan ah ugu laaban Man United.

    Sideed sano ka dib markii uu ka tagay Old Trafford, daafaca dhexe ee rugcadaaga ah ayaa xagaagii ku soo laabtay Man United.

    Xiddiga ayaa bilaa koox ahaa kadib markii uu ka tagay leicester City markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula joogay kooxda.

    “Waxaan soo maray marxalad sanadkii hore aan bilaabay inaan ka fikiro inan ka fadhiisto ciyaraha  dhamaanaya,” Kabtanka Waqooyiga Ireland ayaa yiri ka hor isreebreebka Euro 2024 ee dalkiisa oo ay la ciyaarayaan Slovenia Salaasada.

    “Shaki kuma jiro in aan ka fikiray in aan ciyaaraha ka fadhiisto kadib markii aan dhaawacyo ka bixi waayay”ayuu sii raaciyay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read