CiyaaroJesus iyo Martinelli ayaa Waxaa Xulka Brazil Ka Reebay tababaraha Brazil Tite

Jesus iyo Martinelli ayaa Waxaa Xulka Brazil Ka Reebay tababaraha Brazil Tite

Saddexda ciyaaryahan ee kooxda Arsenal Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli iyo Gabriel Magalhaes ayaa dhamaantood laga saaray Liiska xulka Brazil ee isku diyaarinta koobka adduunka ee ay la ciyaari doonaan xulalka Ghana iyo Tunisia.

Dhammaan seddexda ciyaaryahan ee Arsenal ayaa qeyb ka ahaa xulka Brazil bishii June kulamadii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen South Korea iyo Japan, inkastoo Gabriel Magalhaes uusan ka soo muuqan labadii kulan ee ay ciyaareen sabab la xidhiidha dhaawac walina kulankiisii ugu horeeyay uma ciyaarin xulkiisa.

Jesus iyo Martinelli ayaa labaduba si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan cusub ee Premier League waxana ay door muhiim ah ku soo bandhigeen kooxda Mikel Arteta oo badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan.

Laakiin kama qayb ahaan doonaan xulka Brazil kulamada saaxiibtinimooyinka ah ee ay la ciyaari doonaan xulalka Ghana iyo Tunisia fasaxa xulalka ee soo socda.

Markii wax laga weydiiyay maqnaanshiyaha Jesus ee xulka Brazil tababaraha Tite ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu tijaabiyo xiddigo kale.

Gabriel Ciise, isaga waxa uu ku jiraa wakhti fiican waxuna ka mid yahay qorshahayga”ayuu Tite yidhi.

“Waxa aan uga reebay Jesus in aan siiyo fursad xiddigo kale kuwaas oo sidoo kale tijaabo mari doona”ayuu sii raaciyay

Kullanka soo socda ee Arsenal ayaa laga yaabaa inuu yimaado usbuuca soo socda ee Europa League ka dib markii dib loo dhigay kulamada horyaalka isbuucaan ka dib dhimashadii Boqorada, oo 96 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme