CiyaaroJamie Carragher: Liverpool Way Ku Guulaysan Kartaa Premier League Laakiin….?

Jamie Carragher: Liverpool Way Ku Guulaysan Kartaa Premier League Laakiin….?

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ay Liverpool wali ku jirto tartanka ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan oo ka mid ah 6-dii kulan ee ay ciyaareen horyaalka premier League.

Reds ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Arsenal.

“Weli waxay u tartami karaan Premier League, shaki kuma jiro,” Carragher ayaa u sheegay Sportsmail.

“Kulankii Ajax Liverpool si fiican ayay u ciyaartay laakiin waxa la qiimayn doonaa kulamada soo socda”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan u baahanahay in aan aragno qaab ciyaareedkooda kulamada 4 ilaa 5 kulan ee soo socda si aan u ogaano in ay Liverpool ku soo laabatay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa”.

Liverpool ayaan wax kulan ah ciyaari doonin ilaa 1 bsha October kadib fasaxa xulalka laakiin waxa ay 5 kulan ciyaari doontaa muddo 2 todobaad ah kadib fasaxa xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme