CiyaaroHorudhac: Dinamo Zagreb vs Chelsea…(Blues oo Caawa U Safreeysa Croatia kulankooda koowaad...

Horudhac: Dinamo Zagreb vs Chelsea…(Blues oo Caawa U Safreeysa Croatia kulankooda koowaad ee UCL)

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kulankeeda furitaanka heerka guruubyada UEFA Champions League caawa booqanaysa Naadiga Dinamo Zagreb.

Dinamo Zagreb iyo Chelsea ayaa kulankooda ugu horreeya Champions League ee xilli ciyaareedkan 2022-23 waxa ay ku wada ciyaarayaan caawa garoonka Stadion Maksimir.

Waxa uu noqonayaa kulankan midkii ugu horreeyey oo ay abdi isku wajahayaan kooxaha Dinamo Zagreb iyo Chelsea, waxaana xusid mudan in Zagreb ay ilaa iyo haatan guuldarro la’aan tahay horyaalka Croatia, halka Chelsea ay qaab isku dhafan ku bilaabatay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan.

Wararka labada kooxood:-

Tababare Ante Cacic ma qabo wax werwer dhaawac ah kahor kulankan ay qaabilayaan Chelsea, Cacic ayaa la filayaa inuu kusoo shirtago xiddigihiisa ugu fiican oo uu nasiyay kulankii ay guusha 3-1 ka ah ka gaadheen HNK Rijeka.

Si ka duwan dhigiisa Dinamo Zagreb, Thomas Tuchel ayaa isagu qaba hal dhaawac oo kooxdiisa ah waana khadka dhexe ee N’Golo Kante oo wali ku maqan dhaawac muruqa ah.

Saxeexyada cusub ee Denis Zakaria iyo Aubameyang ayaan wali la filayn inay kusoo bilawdaan kulankan taas oo ka dhigan in Kai Havertz hoggaamin doono weerarka Chelsea.

Ben Chilwell oo guushii soo laabashada ahayd ee West Ham ka caawiyay Blues Sabtidii ayaa booska kala bixi doona Marc Cucurella, sidoo kale Mason Mount ayaa shaxda asaasiga ah kusoo laabanaya iyadoo Wesley Fofana markii labaad kusoo bilaabanayo toddobaad gudihii.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Dinamo Zagreb (4-5-1): Livakovic; Ristovski, Sutalo, Peric, Ljubicic; Spikic, Ademi, Ivanusec, Orsic; Petkovic, Baturina.

Chelsea (3-5-2): Mendy; Fofana, Silva, Koulibaly; James, Jorginho, Kovacic, Chilwell; Mount, Sterling; Havertz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme