CiyaaroHORDHAC: Sevilla v Barcelona & Xogaha Kulanka.

HORDHAC: Sevilla v Barcelona & Xogaha Kulanka.

Barcelona ayaa caawa marti ku ah oo booqanaysa kooxda Sevilla kulan xiiso badan, ciyaartan ayaa imanaysa kaddib guul 4-0 ah oo ay Barca kasoo gaadhay Real Valladolid iyo guuldarro 1-2 ah oo ay Sevilla kala soo laabatay Almeria.

Sevilla oo xilli ciyaareedkii hore booska afraad kaga soo dhammaysatay kala sarreynta La Liga ayaan u muuqan mid sidii hore u xoogan halka Barca oo kaashanaysa saxeexyadeeda cusub aysan wali guuldarro soo arag.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Julien Laportigui ayaa dhawr ciyaartoy ku tabaya kooxdiisa Sevilla kahor kulankan waxayna kala yihiin Jesus Corona iyo Marco oo dhaawacan halka Adnan Januzaj oo saxeex cusub ah ay ciyaartani wali degdeg ku tahay.

Marcos Acuna ayaa ganaax kasoo laabtay oo booska daafaca bidix kala bixi doona Alex Telles halka Thomas Delaney uu khadka dhexe kasoo muuqan karo.

Dhinaca Barcelona Kounde ayaa la filayaa inuu kulankii labaad oo xidhiidh ah kusoo bilawdo daafaca midig isagoo markan kahor tagaya kooxdiisii hore.

Andreas Christensen ayaa xanuunkii uu ku maqnaa kasoo kabtay balse Eric Garcia iyo Ronald Araujo ayaa lagu wadaa inay markale lamaanaha daafaca dhexe sii ahaadaan.

Da’yarka Alejandro Balde ayaa daafaca bidix u banayn kara Jordi Alba halka Pedri iyo Gavi markale khadka dhexe ku caawin doonaan Sergio Busquets.

Saxeexyada cusub ee Hector Bellerin iyo Marcos Alonso oo maalintii ugu dambaysay suuqa kusoo biiray Barcelona ayuu kulankani degdeg ku yahay oo laga yaabaa inaysan xataa keydka kusoo bixin.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Sevilla (4-3-3) – Bono; Navas, Rekik, Nianzou, Acuna; Torres, Fernando, Delaney; Lamela, Mir, Gomez

Barcelona (4-3-3) – Ter Stegen; Kounde, Araujo, Garcia, Alba; Gavi, Busquets, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Dembele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme