CiyaaroHORDHAC: Real Madrid v RB Leipzig & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Real Madrid v RB Leipzig & Xogaha Kulanka

Real Madrid ayaa sii wadan doonta ujeedada ah inay xidhiidh ka dhigto guulaha 100% ka ah ee ay ilaa haatan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan kusoo waday.

Dhinaceeda Leipzig oo dhawaan loo magacaabay tababare Marco Rose ayaa xaalad dardar ah ku jirta iyagoo Sabtidii kulankiisii koowaad 3-0 kusoo xasuuqay kooxdii hore ee macalinkaas ee Borussia Dortmund.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lucas Vazquez ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee liiska dhaawacyada Madrid ku biiray kaddib dhaawac bawdada ah oo haleelay kulankii Sabtidii ee Mallorca.

Karim Benzema oo ah hoggaanka Los Blancos ayaa wali dhaawac ku maqan halka daafaca dhexe ee Eder Militao uu tababarka dib u bilaabay balse safka kooxdiisa ee kulankan kusoo bixin.

Rudiger ayaa booska Militao ka maqan yahay sii buuxin doona iyadoo Dani Carvajal kusoo bilaaban doono daafaca midig kaddib nasiimo uu qaatay Sabtidii.

Kroos iyo Modric ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe kala soo muuqdaan Tchouameni, isbedelka ugu weyn ee la filayo ayaa ah inuu booskii Benzema ee No.9 kusoo bilaaban doono Rodrygo oo 30 daqiiqo oo uu ka ciyaaray Sabtidii ku dhigay wacdarro uu awoodi waayay Hazard.

Dhinaca Leipzig waxa ka maqan xiddigaha kala ah Konrad Laimer, Klostermann iyo Dani Olmo balse waxa taam buuxa ah oo soo kabtay Yousef Poulsen.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Rudiger, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Rodrygo, Vinicius

RB Leipzig (3-4-1-2): Gulacsi; Simakan, Orban, Diallo; Henrichs, Schlager, Kampl, Raum; Szoboszlai; Nkunku, Werner

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Maurizio Mariani (Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme