CiyaaroHORDHAC: PSG v Juventus Kulanka Hardan-Ka Ee Caawa & Xogaha Kulanka

HORDHAC: PSG v Juventus Kulanka Hardan-Ka Ee Caawa & Xogaha Kulanka

Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa caawa isku hardin doona kulan ciyaareedkooda UEFA Champions League kulan ka qabsoomaya magaalada Paris iyo gegida Parc des Princes.

PSG ayaa sidii caadiga ahayd markale bilaabanaysa tartankan oo mudo soo ahaa hammigeeda ugu weyn, xilli ciyaareedkii hore ayay ku hor kufeen Real Madrid balse markale ayay fursad helayaan ciyaartoy ay ugu horreeyaan Neymar, Messi iyo Mbappe ayaa hogaanka u haya.

Wararka labada kooxood:

Tababare Christophe Galtier ayaa kulankii horyaalk ee toddobaadkan nasiyay Neymar iyo Nuno Mendes halka uu xilli hore bedel ku sameeyay Kylian Mbappe iyo Marco Verratti.

Dhaawaca Vitinha ayaa dhirbaaxo ku ah Galtier oo la filayo inuu kusoo bilaabo bedelkiisa Renato Sanches halka ay u badantahay inuu keydka soo fadhiisan doono Fabian Ruiz oo isaguna dhawaan Napoli kaga soo biiray.

Dhinaca Juventus xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma ayaa noqonaya goolhaye Szczesny oo kula biiraya liiska xiddigaha maqnaa Paul Pogba iyo Federico Chiesa.

Sidoo kale waxa dhaawac ku maqnaanaya Angel Di Maria oo xagaagan uun ka tagay Paris isla markaana heshiis bilaash ah ugu biiray Juventus.

PSG (3-4-3): Donnarumma; Kimpembe, Marquinhos, Ramos; Mendes, Verratti, Sanches, Hakimi; Messi, Neymar, Mbappe

Juventus (4-3-3): Perin; De Sciglio, Bremer, Bonucci, Danilo; Rabiot, Locatelli, Paredes; Kostic, Cuadrado; Vlahovic

Tartanka: Champions League

Garoonka: Parc des Princes

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme