CiyaaroHordhac: Man United Vs Arenal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka...

Hordhac: Man United Vs Arenal: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Premier League.


Kulanka ugu xiisaha Badan premier League todobaadkan ayaa dhex mari doona kooxaha Man United iyo Arsenal kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo dib u helay qaab ciyaareed fiican isla markaas badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ah kooxda kaliya ee dhamaan wada badisay kulamadii ay ciyaartay premier Leageu ilaa haatan.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo galaya iyaga oo hal ujeedo leh taas oo ah in ay gacanta ku dhigaan 3-da dhibcood ee kulanka isla markaas ayna dhibcuhu u qaybsamayn labadooda.

Kulanka: Man United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa badisay kalua hal kulan oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal premier League iyaga oo badiyay kulankii Old Trafford ee xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League Man United ku booqatay Old Trafford, iyaga oo badiyay kulan dhacay 20 bishii November 2020.

Kooxda Arsenal ayaa Man United kala kulantay guuldarooyinka ugu badan ee premier League marka ay martida u tahay marka loo bar-bar dhigo 17-kooxood ee premier League dhinaca kale kaliya Anfield ayay kala kulmeen goolasha ugu badan marka loo bar-bar dhigo Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa kaliya shabqeeda ilaashatay hal kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal premier League.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Eriksen; Sancho, Fernandes, Ronaldo; Rashford

Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Tierney; Xhaka, Lokonga; Saka, Smith Rowe, Martinelli; Jesus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme