CiyaaroHORDHAC: Man City v Man United – Guardiola v Ten Hag &...

HORDHAC: Man City v Man United – Guardiola v Ten Hag & Xogaha Kulankan Adag

Manchester City ayaa wajihi doontaa imtaxaan kulanka ay maanta Etihad Stadium ku qaabilayso dhigeeda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester United.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee Manchester Derby ah ee uu Man United layliyo tababare Erik Ten Hag isaga oo kahor tagaya Pep Guardiola oo uu mar Bayern Munich kula soo shaqeeyay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Kooxda Premier League difaacanaysa ayuu kulankan ka maqnaan doonaa John Stones oo xulka England kusoo dhaawacmay balse Guardiola ayaa dib u helaya Aymeric Laporte oo mudo dheer dhaawac ku maqnaa.

Sidoo kale saxeexii xagaagii ee Kalvin Phillips ayaa maqnaan doona kaddib qaliin garabka ah oo uu galay balse Sky Blues ayaa khadka dhexe aad uga hubaysan.

Manuel Akanji ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe Ruben Dias kala soo muuqdo iyadoo Kyle Walker daafaca midig kusoo laabanayo.

Grealish ayaa markale weerarka kasoo muuqan kara isagoo kasoo hormaraya Riyad Mahrez halka Bernardo Silva gacanta sarre ka heli karo Gundogan.

Dhinaca Man United waxa dhaawac ku maqan kabtan Harry Maguire si lamid ah Axel Tuanzebe iyo Brandon Williams balse Ten Hag ayaa tababarka dib uga helay weeraryahanadiisa Marcus Rashford iyo Anthony Martial.

Scott McTominay oo bandhigyo fiican soo samaynayay kulamadii ugu dambeeyay ayay u badantahay inuu kusoo bilawdo taas oo ka dhigan in Casemiro wali keydka sii fadhiyi karo.

Marba haddii uu soo kabtay Rashford ayaan la filayn in Ronaldo weerarka Man United kusoo bilaaban doono.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Akanji, Dias, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Foden, Haaland, Grealish

Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; McTominay, Eriksen; Antony, Bruno Fernandes, Sancho; Rashford

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 4:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

MASE OGTAHAY?

  1. Man City ayaa markii ugu horreysay saddex kulan oo xidhiidh ah Man United ka adkaan karta tan iyo 2014.
  2. Man United ayaa rekoodh 21 guulood ah ku haysata Etihad Stadium, ma jirto koox kale oo Premier League ah oo sidaas samaysay.
  3. Man United ayaa shan kamida siddeedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Etihad booqatay guulo lasoo laabatay.
  4. Man City ayaa toddobadii kulan ee ugu dambeeyay Etihad horyaalka guulo soo gaadhay iyadoo ugu yaraan kulankiiba saddex gool dhalinaysay.
  5. Pep Guardiola afar kulan Premier League oo uu Man United kusoo dhaweeyay Etihad ayuu saddex kamida guuldarro la kulmay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme