CiyaaroHordhac: Liverpool Vs Brighton: Reds Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato...

Hordhac: Liverpool Vs Brighton: Reds Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha.

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Anfield todobaadkii 9-aad.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro galeen kulankoodii ugu dambeeyay.

Dhinaca kale Brighton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ka horeya Liverpool kuna jira kaalinta 4-aad kuna jira qaab ciyaareed fiican waxana ay doonayaan in ay sii wadaan guulaha.

Kulanka: Liverpool Vs Brighton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa kaliya laga badiyay hal kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee ay la ciyaareen Brighton waxana ay ahayd guuldaradii 1/0 ahayd ee dhacday February 2021.

Kadib markii ay guuldaro ka fogaatay 2 ka mid ah 11-kulan ee ugu horeeyay ee martida ee ay la ciyaartay Liverpool, Brighton ayaan wax guuldaro ah kala kulmi Anfield 2-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulankan ayaa ah markii 2-aad ee ay Brighton oo ku jirta kaalinta 4-aad ay wajahayso Liverpool oo wajahaysa kaalinta 8-aad iyada oo kulankii ugu dambeeyay ee ay Brighton ka saraysay kala saraynta horyaalka October 1981 ku dhamaaday bar-baro 3/3 ah.

Liverpool ayaan guuldaro kala kulmin 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield horyaalka premier League iyaga oo 15 ka mid ah shabaqooda ilaashaday halka gool laga dhaliyay 11 kulan isla markaas laga dhaliyay goolka 1-aad 8-dii kulan ee ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme