CiyaaroHordhac: Leicester City Vs Man United: Red Devils Oo Raadinaysa Guusheedii 3-aad...

Hordhac: Leicester City Vs Man United: Red Devils Oo Raadinaysa Guusheedii 3-aad Oo Xidhiidh Ah.

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City United kulan ka tirsan horyaalka premier league kana dhici doona garoonka King Power.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul gaadhaan kulankii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier Leageu.

Dhinaca kale kooxda Leicester City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Leicester City Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: King Power Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leicester City Ayaan guuldaro kala kulmin Man United 4-tii kulan ee ugu dambeeyay, markii ugu dambaysay ee ay rikoodh intaas ka fiican lahaayeen ayaa ahayd 1972 ilaa 1977 markaas oo ayna guuldaro kala kulmin 9 kulan.

Man United ayaa guuldaro 4/2 ah kala kulantay Leicester City kulankii ka dhacay garoonka King Power xilli ciyaareedkii hore laakiin Man United ayaan laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmin Leicester City tan ilaa 1976.

Man United ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 26-kii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay Leicester City waxana ay Red Devils ku leedahay Leicester City rikoodhka goolasha ugu badan ee premier League.

Man United ayaa badisay 10 ka mid ah 17-kii kulan ee premier League ee ay ciyaartay maalinta khamiista waan rikoodhka ugu fiican ee ay ku leedahay maalmaha kale ee todobaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme