CiyaaroHordhac: Kulanka Celtic vs Real Madrid: Los Blancos Oo Mar Kale Doonaysa...

Hordhac: Kulanka Celtic vs Real Madrid: Los Blancos Oo Mar Kale Doonaysa Difaacashada Champions League.

Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Celtic kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa bilaaban doonta difaacashada tartanka champions League mar kale oo ay ku guulaystay tartankaan xilli ciyaareedkii hore.

hase ahaate Celtic ayaa doonaysa in ay natiijo fiican ka hesho kulanka kuna rajo weyn in ay meel fiican ka gaadho tartanka.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Ange Postecoglou ayaan doonayn inuu bedelo shaxdiisa caanka ah ee 4-3-3 kahor kulankan balse waxa dhaawac kaga maqnaan doona xulashadiisa Kyogo Furuhashi iyo Carl Starfelt oo labaduba wax ku noqday kulankii Rangers.

Carlo Ancelotti ayaa haysta isagu saf ku dhawaad gabi ahaanba caafimaad qaba, Jesus Vallejo iyo Alvaro Odriozola ayaa ah xiddigaha kaliya ee dhaawaca kaga maqnaan doona.

sidoo kale Ancelotti ayaa isbedelo ku samayn kara shaxdii uu Real Betis kaga adkaaday Sabtidii isagoo kusoo bilaabaya Toni Kroos iyo Federico Valverde isla markaana keydka dhigi doona xiddigaha kala ah Eduardo Camavinga iyo Rodrygo Goes.

dhanka kale saxeexa cusub ee Antonio Rudiger ayaa kusoo bilaaban kara daafaca dhexe isagoo kala baxaya midkood David Alaba iyo Eder Militao

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Celtic (4-3-3): Hart; Juranovic, Carter-Vickers, Jenz, Taylor; O’Riley, McGregor, Turnbull; Abada, Giakoumakis, Jota

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Rudiger, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius Jr.

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Celtic Park

Garsoore: Sandro Schaerer (Switzerland)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme