CiyaaroHordhac: Inter Milan Vs Barcelona: Blaugrana Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Inter

Hordhac: Inter Milan Vs Barcelona: Blaugrana Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Inter

Kooxda Barcelona ayaa booqan doonta Inter Milan kulan ka tirsan kulankii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka San Siro.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha champions Legaue kadib guuldaradii ka soo gaadhay Bayern kulankii hore.

Dhinaca kale Inter ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee tartanka kadib markii ay kulankoodii hore badisay.

Labada kooxood ayaan doonayn in ay guuldaro la kulmaan ama ay dhibco lumiyaan hadii ay doonayaan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka champions League.

Kulanka: Inter Milan Vs Barcelona

Tartanka: Champions Legaue

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: San Siro

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Inter ayaa badisay kaliya 2 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barcelona ka hor tagtay tartamada yurub (4 bar-baro iyo 8 guuldaro) markii ugu dambaysay ee ay Inter garaacday Barcelona ayaa ahayd April 2010 markaas oo ay 3/1 kaga badisay champions League.

Labadii kulan ee ay Barcelona booqatay Inter Milan waxa u dhexaysay 60 sano iyada oo 4/2 kaga badisay bishii September 1959 iyo guul 2/1 ahayd oo ay ka gaadhay December 2019.

Barcelona ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen wareega Group-yada champions League, iyada oo Xavi noqday tababarihii 2-aad ee laga badiyo labadiisii kulan ee ugu horeeyay ee martida ahayd ee champions League kadib Louis Van Gaal oo sidaas sameeyay 1997.

Inter Milan ayaa laga badiyay 6 kulan oo champions League ah oo ay la ciyaartay Barcelona waana kooxda ugu badan ee ay kala kulantay guuldarada ugu badan tartanka chamions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme